Wararka Simba ay ka heleyso deegaanka Fiidow ee gobalka Shabeelada dhexe ayaa tibaaxaya in ciidamada is baheysiga Military-ga Jabuuti Iyo Burundi iyo ciidamada Xooga Soomaliya ay isaga baxeen deegaanka Fiidoow iyo saldhigyo maalma ka hor ay ka sameysteen duleedka deegaankaasi.
Sababta rasmiga ee ka danbeysa bixitaanka ciidamada huwanta ee maalma ka hor la wareegay deegaanka Fiidow, ayaa lagu sheegay sababa la xiriira shaki dhanka amaanka ah oo ciidamada gaashaan buurta ah ay ka muujiyeen, xog ku aadan iney heleen weeraro kaga imaan kara Xoogaga Al shabaab.
Sarkaal katirsan Militaryga dowladda gaar ahaan Guutada 10-aad ee gobalka Hiiraan ayaa sheegay in dib deegaanka ay kaga gurteen ciidamada isbaheysiga oo saanad Military u waday ciidamado kale oo ku sugan deegaano iyo degmooyin katirsan gobalka Hiiraan gaar ahaan degmada Jalalaqsi.
Ilaa hada si rasmi ah uma cad waxa sababay ciidamada Huwanta iney isaga baxaan deegaanka Fiidow oo is tiraatiiji u ah isku socodka xadka kala qeybiya gobalada Sh/dhaxe iyo Hiiraan ee bartamaha Somaaliya.
Wararkii ugu danbeeyay ee Idaacada Simba ay ka heleyso deegaanadaasi ayaa ku waramaya in dadka ku dhaqan halkaasi ay qabaan cabsi xoogan oo ku aadan in dushooda lagu dul dagaalamo.
Waxii Kusoo Kordha Kala Soco Facebook/ Radio Simba

