Waaa Sidee Saakay Jawiga Magaalada Muqdisho

0

Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay shacabka Muqdisho ay dareemayeen kuleel daran ayaa saakay Magaalada waxaa ka da’ay Roob ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ku nool magaalo madaxda Soomaaliya.

Roobkan oo ahaa mid xoogan ayaa biyo bara badan dhigay wadooyinka waaweyn ee magaalada, sido kale waxaa adag gadiidka yar yar iney maraan wadooyinka qaarkiis sabab ka xirira daadad xoogan oo biyo dhigay biyo fariisimo ama biyo dageeno ku yaal Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale marka laga tago sameynta Roobka uu ku yeeshay gadiidka Raaxada iyo Kuwa Bajaajka, ayaa waxaa jiro barakacayaal ku nool guryo ka sameysan cooshado oo saameyn xoogan uu ku yeeshay Roobka oo ah Nimcada Allaah.

Waxaa sido kale saakay hakad ku jiray salaad subax ilaaa  abaaro 8:10 subaxnimo isku socodka gadiidka iyo dadweynaha, maadama laamiyada waaweyn ee magaalada ay dhax socdeen daadad xoogan.

Jawiga saakay ee Muqdisho ayaa noqonaya mid qabow ah oo ay ku Hoortay Raxmada Allaaaaah

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here