Ciidamada Booliska ayaa goor-dhaweyd toogtay nin la Sheegay in uu ka mid ahaa Koox Burcad ah oo dhac ka geysanayey Wadda Labaad ee Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka la toogtay uu gacanta ku watay teleefoono daqiiqado kahor laga soo dhacay dad Shacab ah, sidoo kale Ciidanka waxaa ay gacanta ku dhigeen ruux kale oo kamid ah kooxdaan Burcada ah ee dhaca kawada Suuqa Bakaaraha.
Kooxda Burcada ayaa wata Mooto Bajaaj taasi oo Ciidanka Booliska ay la wareegeen ka dib markii ay toogteen wadihii Mootada, waxaana Saraakiisha Boolisku ay noo xaqiijiyeen in si nabad galyo ah ay ku soo afjareen howlgalka la dagaalanka Tuugada Bakaaraha.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ragaan kasoo eryaday Gudaha Suuqa Bakaaraha oo la sheegay inay dad rayid ah ay ugu geysteen,danbeyn Ciidanka Booliska ayaa rasaas la dhacay Mootada ay wateen ragaan Burcada ah xili ay marayeen agagaarka Shirkada Qaran oo ku taalada wadada labaad.










