Faah-faahin Dagaal Toos Ah iyo Madaafiic Lagu Weeraray Degmada Afgooye

0

Weerarkaan ayaa lagu qaaday Saldhig Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin dhanka Wadada Xiriirisa Degmooyinka Afgooye iyo Walaweyn oo ka wada tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Afgooye Cabdulqaadir Cismaan Mursal (Nuunow)  oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay inay ka hortageen weerar Al-shabaab ay ku soo qaadeen degmada islamarkaan ciidanka Amnigu ay ka adkaadeen Kooxdii Weerarka soo qaaday.

Taliyaha ayaa sheegay inay aysan jirin wax qasaaro ah oo soo gaaray ciidanka Dowladda ku sugaan saldhiga la weeraray waxaa uuna intaas hadalkiisa ku daray in Ciidamadu ay toogteen tiro askar ah oo ka tirsan al-shabaab

Dhankale tiro hoobiyaal ah ayaa xalay ku dhacay Xaafada Doolaabe ee degmada Afgooye halkaasi oo ay ku dhaawacmeen dad rayid ah oo daganaa xaafadaasi

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here