Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa ka hadlay shaqaaqad dhawaan ka dhacday degmada Wadajir gaar ahaan aagga Jid-cakaaro.
Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaliya oo xaafadaas howlgal ka sameynayay ayaa weerar kala kulmay rag hubeysan oo kamid ah dadka degan halkaasi,kuwaasi oo kasoo horjeeday burburin ay Ciidamadda wadeen.
Intuu dagaalka socday ayay Ciidamdda booliska waxa ay dileen nin hubeysan oo ku labisnaa dareeska ciidanka dowladda, halka Saddex kalena ay ku dhaawaceen.
Balse arinta ayaa soo cusboonaatay kadib markii raggii dhaawaca ahaa oo la dhigay isbitaalka Madiina ay la baxeyn ciidamada ammaanka.
Wasiir islow oo arintaan ka hadlayay ayaa sheegay Inuusan raali ka aheyn wixii dhacay, islamarkaana ay raadin doonaan cadeymo rasmi ah.
Wuxuu sheegay inuusan marnaba raali ka aheyn in magaciisa dhibaato lagu geysto, isaga oo sidoo kale tilmaamay inay qalad aheyd in rag dhaawac ah lagala baxo isbitaalka.
“Cadeymo ayaan radin doonaa gaal iyo muslim waxay qabaan qofka dhaawaca ah in la daaweeyo Shabaab xitaa hadii uu yahay, marka taas balan waaye talaabo ayaan ka qaadi doonaa, aniga oo amniga masuul ka ah marnaba ma rabo in magaceyga dad lagu dhibateeyo.” ayuu yiri wasiirka amniga.

