Maamulka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa xukun karbaashay ahaa ku fuliyay Wiil dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen in uu ku kacay fal Zino Ah ama (Kufsi).
Mahdi Maxamed Calasoow Maxamuud oo 17 sana jir ah ayaa lagu dhuftay 100 Jeydal kadib markii uu Kufsaday gabar lagu magacaabo Maryan Abuukar Axmed Mantaan oo 16 sana jir ah.
Gudoomiyaha Maxkamada Shabaab oo goob fagaare ah ka akhrinayay xukunka ayaa sheegay in dambiilaha gabadha ku xadgudbay lagu xukumay in uu bixiyo maharka gaba oo ah $200 dollar, sidoo kale wiilka kufsiga geystay waxaa lagu xukumay in muddo sanad ah laga masaafuriyo deegaanka uu dambiga ka geystay oo ah Masaajid Caliguduud.
Boqolaal qof ayaa ka qeyb galay goobta xukunka lagu fuliyay,waxana shacabka loogu baaqay in ay ka foogadaan falal dambiyeedyadaan.

