Saudi Arabia ayaa sheegtay in Jamal Khashoggi lagu dhex dilay gudaha safaaradda Saudi-ga ee waddanka Turky-ga waxaana la sheegay inuu u geeriyooday dagaal dhex maray isaga iyo koox ku sugan gudaha Safaarada balse dowladda Sacuudigu ma aysan shaacin halka uu meydkiisa yaalo.
Natiijada baaritaanada hor dhaca ah ayaa muujinaya in wariyahaan mucaaradka ahaa uu u geeriyooday dagaal uu kula kulmay gudaha safaaradda sida ay qortay wakaaladda wararka ee SPA.
Xeer ilaaliyaha sacuudiga Sheikh Saud al-Mojeb ayaa xaqiijiyey dhimashada Khashoggi kadib muran sababay dagaal oo ka dhex dhacay gudaha safaaradda.
Baaritaanada ayaa wali socdo waxaana lasoo xiray 18 qof oo dhamaantood sacuudiyan ah.
La taliye sare oo lagu magacaabo Saud al-Qahtani iyo taliye ku xigeenkii sirdoonka Saudi-ga Ahmed al-Asiri ayaa laga aryey boosaskooda oo xilalkii laga qaaday.
Wali ma cadda halka uu yalo meydka Jamal Khashoggi.
Jamal Kashoggi ayaa gudaha uga galay safaaradda Saudi-ga ee Istanbul 2-dii bishan October waxa uuna safaaradda u doontay waraaqo si uu uguursado gabar Turkish ah oo lagu magacaabo Hatice Cengiz.

