Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Qaraxaan ayaa ka dhacay guri ku yaalla xaafada Buulo-mugdi oo ka tirsan degmada Dayniile,waxaana uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal qaraxaan ayaa ka dhashay waxyaabo qarxa oo duugoobay ee maarta loo yaqaano oo nin ku shaqeysta uu garaacayay.
Waxaa la xaqiijiyay In ninkii garaacay uu ku dhintay,islamarkaana ay ku dhaawacmeen 3-ruux kale.
Goobta falkaan uu ka dhacay waxaa haatan gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya,waxaana socda baaritaano.
Dhanka kale dadkii ku dhaawacmay falkaan ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka Degmada Deyniile ee Magaaladda Muqdisho.

