Ciidamadda Nabadd Sugidda Soomaaliya ayaa Howlgal ay ka sameeyeen Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay Xubin ka Tirsan Al-Shabaab.
War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo dhacay xalay aysan jirin cid wax ku noqotay.
“Howlgal ay ciidamada amaanka xalay ka fuliyeen nawaaxiga X-koontarool, ayay kusoo qabteen xubin AS ah oo maleegayay qarax uu ku haligo shacab badan, Howlgalka cidi wax kuma noqon, Nagu garab istaag ka hortaga cadowga ku howlan gumaadka shacabkeena”.ayaa lagu yiri war kasoo baxay NISA.

