War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyadda galmudug ee Dhuusa-mareeb ayaa lagu sheegay in Dowladda Dhexe ay burburinta maamulka Galmudug ay u adeegsanayso masuuliyiin ka tirsan dowladda Somaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Masagawaa oo Warsaxafadeedka aqriyay ayaa sheegay masuuliyiinta dowladda u adeegsanayso bur burinta heshiiskii ay wada gaareen Ahlu Sunna iyo Galmudug.
Xubnaha lagu eedeeyay burburinta Galmudug waxaa kamid ah Wasiir kuxigeenka Howlaha Guud Axmed Qoor-qoor, Xildhibaano iyo Senator ay ka mid yihiin Xildhibaan Xuseen Iidow, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer iyo Senator Yuusuf Geelle Ugaas.


