Shariif Xasan oo Amaro Adag Dul Dhigay Hay’adaha Amniga+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa amar dul dhigay Laamaha amaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shariif-ka oo shalay dib ugu soo laabtay Magaaladda baydhabo, ayaa laamaha amaanka ugu baaqay in ay la yimaadaan hab lagu sugi karo amaanka Magaaladda, kadib qaraxyo dad  badan ay ku dhinteen oo todobaadkaan ka dhacay Magaaladaas.

Waxa uu sheegay in Magaaladda ay haatan kusoo qulqulayaan dad aad u fara badan madaama dhawaan ay lagu qaban doono doorashada Madaxweynaha maamulkaas.

Dhanka kale Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa Dowladda Soomaaliya ugu mahadceliyay gargaarka ay lasoo gaartay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Magaaladda Baydhabo, oo shabaab ay sheegteen.

Qaraxyo labo ruux ay fulisay ayaa todobaadkaan ka dhacay Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay,waxaana ku dhintay  dad ku dhow 20-ruux.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here