Dowladdda Federaalka Soomaaliya ayaa taageero iyo garab istaag u muujisay Dowladda Sacuudiga kadib markii ay la kulantay cadaadis ku aadan dilkii Wariye Jamaal oo lagu dhex dilay Safaaradda Sacuudiga Istanbul ee dalka Turky-ga.
Qaar kamid ah dalalka caalamka oo Mareynaka uu ugu horeeyo ayaa sacuudiga ku eedeeyay in uu sameeyay wax ka baxsan Sharciga.
Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraal ay Soo Saartay Xukuumadda Soomaaliya.
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa laga maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeeddooyin kale leh oo lagu hagardaamaynayo Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
Dhammaad

