War Deg Deg:-Dagaal Ka Socda Deegaanka Deynuunaay

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa ku waramaya in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa saakay weerar xoogan ay ku qaadeen Deegaanka Deynuunaay, oo qiyaastii 26-KM u jira magaalada Baydhabo.

Sida ay inoo xaqiijiyeen Saraakiil ka Tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya, shabaab ayaa deegaanka ka weeraray dhanka Koonfureed waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Deegaanka Deynuunaay waxaa fariisinin ku leh Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda Deegaanka Deynuunaay.

Wixii kusoo kordha kala soco Simbanews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here