Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in diyaarado dagaal ay duqeyn la beegsadeen deegaanka Caga-Cadde oo 70 km Galbeed uga beegan degmada Xarardheere.
Sida naloo xaqiijiyay diyaaradaha dagaal ayaa beegsaday gaadiid dagaal ay la socdeen xubno ka Tirsan Al-shabaab oo marayay deegaanka Caga-Cadde,waxaana la sheegay in 11-gantaal lagu dhuftay gaadiidka.
Gadiidka la duqeyey ayaa gaarayey ilaa 5 baabuur oo 2 ka mid ah ay ahaayeen gawaarida xamuulka ciidamada daabula ee BG(Biijii).
Dhanka kale Taliska Mareykanka ee qaaradda afrika oo weerarka ka hadlay ayaa sheegay in diyaaradahooda ay beegsadeen Saldhig Shabaab ay ku laaheeyen Degmadda Xarardheere.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta ka dhacday degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug oo ay maamulaan Shabaab.

