Al-shabaab oo sii daayay Shaqaalo Caafimaad oo ka Shaqeynayay Isbitaalka Degmada Dhuuso Mareeb

0

Wararka aynu haatan ka halayno Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka soomaliya ayaa sheegaya in maamulka al-shabaab ee degmada Galhareeri ay sii daayeen Shaqaale Caafimaad iyo nin Darawal ahaa, kuwaasi oo 31-kii Bishii aynu soo dhaafnay ay ka afduubteen Duleedka Degmada Dhuusamareeb.

Agaasimaha Isbitaalka Degmada Dhuusamareeb Dr.Axmed Maxamed Mahdi ayaa warbaahinta u sheegay in shaqaalaha  soo deysmadooda ay ka qeyb qaataan waxgaradka iyo odoyaasha degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud,

Dhanka kale Labada ruux ee Shabaabka ay sii daayeen ayaa kala ah Yaxye oo ka tirsanaa qeybta gargaarka deg dega ee Isbitaalka Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud , iyo darawalkii baabuurka, Cabdikaafi Rooble. Nin magaciisa lagu sheegay.

Dhawaan ayay aheyd markii  Rag ka Tirsan al-shabaab ay af-duubteen Gaari ambulance ah oo la sheegay in laga lahaa isbitaalka Magaalada dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here