Dowlada Uganda oo Ciidanka  Burundi uga digtay in ay la dagaalamaan Ciidanka Cusub ee dalkaasi la geyn doono.

0

Madaxweynaha dalka Uganda yuweeri musafane ayaa sheegay in dalkiisu uu digniin siinayo ciidanka Burundi taasi oo ah in ciidanka Burundi aysan dagaal lagalin ciidanka cusub ee ka imaan doono midowga afrika.

Golaha amaanka midowga africa ayaa dhamaadkii sanadkii hore ansaxiyey in Burundi loo diro  ciidan gaaraya 5,000 oo askari.

yuweeri musafane Madaxweynaha Uganda waxa uu sheegay in ay noqon doonto cawaaqib xumo hadii dagaal lala galo ciidanka midowga afrika ee la geeynayo Burundi.

Madaxweynaha dalka Burundi biyeeri nekrasuusa ayaa sheegay in ciidan kiisu uu dagaal lagali doono ciidamada nabad ilaalinta ee la geyn doono dalkiisa Burundi.

Dagaal ayaa in ka badan 9 bilood waxa uu ka socday dalka Burundi kaasi oo u dhaxeeyay dowlada iyo dadka shacabka ah oo kasoo horjeedo hab maamulka madaxweynaha dalkaasi iyo doorashada uu markii sadaxaad ku guulestay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here