Kumaan dibad baxayaal ah ayaa maanta isugu soobax guud ahaan dalka dhaca laatiin Ameerika ee fininsuweela. kuwasoo kasoo horjeeda Madaxweynaha wadankaas maamula,
Dadkaan dhigaya dibad baxa ayaa kasoo horjeeda madaxweynaha dalkaasi niklas maduura iyagoona taageersan madaxweynihii hore ee dalkaasi huugo shaafees.
Sawiro iyo boorar ay ku qoran yihiin magaca hugo shafes ayay dadka ku dhajiyeen dhamaan dhinacyada wadooyinka dalkaasi.
Madaxweyne maduura aya cambaareeyey dibad baxaan looga soo horjeedo dowladiisa uu hugaamiyo isagoona laamaha amaanka dalkaas ugu baaqay in laga Hortago dadka dibadbaxa dhigaya.
Ma jirto cid wax yeelo kasoo gaartay isku soobaxa ka dhanka ah dowlada fininsuwweela ee dalkaasi ka dhacaya.
Madaxweynaha dadku ay taageersan yihiin ee dalka fininsuweela hugo shafes ayaa si weyn loogu xasuustaa caawinta dadka saboolka ee kunool dalkaasi inta uu noolaa madaxweynaha.
Hugo shafes ayaa geeriyooday sanadkii 2013-kii kadib markii uu u dhintay cudurka kansarka uu muddo madaxweynaha uu la xanuun sanaa.

