BFS oo Kulan Ka Yeelanaya Xisaab Xirka Misaaniyadda Dowladda 2017.

0

Xildhibaanadda baarlmaanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya Xaruntooda Magaaladda Muqdisho.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah Xisaab xirka misaaniyadda dowladda 2017.

Xildhibaanadda ayaa xalay loo diray fariimo ku aadan ajendaha kulanka maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya.

“Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa maanta  oo ay taariikhdu ku beegan tahay 10-ka bisha Octoober 2018 kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho,ajendaha kulanka ayaa ah Xisaab xirka misaaniyadda dowladda 2017”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddoonka.

Amaanka xarunta ayaa aad loo adkeeyay,waxaana amniga sugaya Ciidamadda booliska Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here