Hoobiyayaal Xalay Laga Maqlay Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool

0

Wararka ka imaanaya Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa ku waramaya in Xalay deegaankaas laga maqlay Hoobiyayaal ay isweedaarsanayeen Ciidamadda maamuladda Puntland iyo Somali-land.

Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka ilaa dhowr Hoobiyaye ayaa laga maqlay deegaanka,kuwaasi oo ilaa haatan aan la ogeyn khasaaraha ay dhaliyeen.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamuladda Somali-land iyo Puntland aynu la hadalnay ayaa midba midka kale waxa uu ku eedeeyay in uu isaga ka dambeeyay Hoobiyayaasha.

Dhanka kale waxaa saakay dagan xaaladda Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,waxayna labadda ciidan ay fadhiyaan goobihii ay horey u joogeen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here