Gudoomiye Ku-xigeenka koowaad ee baarlamanka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise oo la hadashay idaacada Simba ayaa ka hadashay xalka laga gaaray xiisadda siyaasadeed oo ay wajaheysay Hirshabeele.
Guddoomiyaha ayaa sheegtay in dadaalada lagu baajiyay mooshinka Waare ay dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha qeyb ka ahaayeen.
Waxay aad u aamantay xildhibaanada Hirshabelle go,aankii ay mooshinka kaga laabteen.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inay canaan u aheyd mooshinkii laga keenay labo cisho ka hor, isagoo ka dhawaajiyay inuu diyaar u yahay inuu dhageysto dhaliilaha ay u soo jeedinayaan Xildhibaanada Hirshabeelle.
Waxaa uu sheegay inuu eedeynta loo soo jeediyay ay tahay mid taabaneysa xaalada guud ee Hirshabeelle ku sugan tahay, isagoo xusay inuu diyaar u yahay inuu saxo wixii qaladaad ee jira.
Madaxweyne Waare ayaa soo dhoweeyay sida xilkasnimada leh ee Xildhibaanada uga laabteen Mooshinka, wixii hadda ka dambeeya uu diyaar u yahay inuu wax ka saxo qaladaadka jira.

