Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabeelle tiradoodana kor u dhaafayso 57-xildhibaan ayaa waxa ay caawa guddoonka Baarlamaanka u gudbiyeen mooshin ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdi waare.
Guddoonka ayaa ka aqbalay Xildhibaaanadda Mooshinka ay ka wadaan madaxweyne Waare.
Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Waare xil gudasho la’aan,islamarkaana waajibaadkii ka saarnaa Mamulka uu ka door biday arrimo kale.



