Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo xoogan oo xalay saqdhaxe diyaarado dagaal ay ka fuliyeen deegaano katirsan gobalka Gedo ee koofurta Soomaaliya.
Duqeymahan ayaa si rasmi ah loo ogeyn diyaaradaha Fuliyay dowladda laga leeyahay, balse goobjooge ku sugan gobalka gedo gaar ahaan deegaanka Ceel-cade ayaa Radio Simba u sheegay inuu maqlayay daryanka Madaafiic ay tuurayeen diyaarado dagaal oo jawi hoose ku socday daafaha deegaanka.
Sarkaal katirsan ciidamada Military-ga dowladda Soomaaliya oo Simba xiriiro ay la sameysay ayaa ka gaabsaday faah faahin dhameystiran inuu naga siiyo diyaaradaha dagaal ee xalay mar qura xili danbe soo galay hawada deegaanka Ceel-cade iyo tuulooyinka Oomane, Qansax,Maka oo katirsan gobalka Gedo.
inta la xaqiijiyay hordhaca khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi ayaa la sheegay iney gaarayaan waxyeelada 5 ruux oo u badan shacab iyo dumar aan waxba galabsan, oo duqeyntaasi diyaaradeed khasaare uu kasoo gaaray.
Wali wax war ah kama soo bixin Xoogaga Al shabaab ee ku sugan deegaanada qaar ee duqeyntaasi xalay xili saqdhaxe ay ku garaacayeen Diyaarado dagaal oo aan ilaa hada la ogeen dalka laga leeyahay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya duqeymahaasi iney geysteen khasaare dhimasha iyo dhaawac ah, maadaama deegaanka iyo Tuulooyinka hoos yimaada ay ku dhaqan yihiin dad Rayid ah.
Waxii Wararkasi Kusoo Kordha La Soco Facebook/ Radio Simba

