Akhriso: Sababta Loo Xir Xiray Taliyaal Sar Sare oo katirsan Nabad Sugida Iyo Xiisada Oo Kacsan

0

Saraakiil katirsan Nabad Sugida Soomaaliya ayaa lagu xiray gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Saldhiga weyn ee magaalada Baladweyne ayaa lagu xiray saraakiishaasi oo kala ah taliyahii Nabad sugidda gobalka Hiiraan iyo sidoo kale kan Baladweyne , kadib markii xilkaqaadis lagu sameeyay.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle maxamed cabdi waare ayaa dhawaan xilalka ka qaaday taliyahii Nabad sugidda Hiiraan iyo sidoo kale kan B/weyne, balse waa ay diideen xilka qaadistaasi.

Wararkii ugu danbeeyaya aya sheegaya Jawiga magaalada inuu yahay mid cakiran, sababa la xiriira ciidamo fara badan oo lagu arkay saldhiga Magaalada Baladweyne iyo Xaafadaheeda.

Waxiii Warkaasi Kusoo Kordha La Soco

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here