Wararka ka imaanaya Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in amar kasoo baxay gudoomiyaha Gobolkaas Yuusuf Axmed Hagar(Yuusuf Dabageed), lagu xiray shaqaalihii Wasaarada Maaliyada Hirshabeelle.
Arintaan ayaa ka dambeysay kadib muran soo kala dhax galay gudoomiyaha iyo shaqaalaha kaasoo ahaa in Gudoomiyaha uu lacag ka dalbaday Bangiga Gobolka islamarkaana ay arintaan ka biya diideen Shaqaalaha.
Waxaa la sheegay in Gudoomiyaha lagu wargaliyay in uu amar kasoo qaato Wasiirka Maaliyadda Maamul Goboleedka Hir-shabeelle oo amarkiisa lacagta lagu bixiyo.
Intaas kadib Yuusuf Dabageed ayaa amar ku siiyay Hay’adaha amaanka Maamulka Hir-shabeelle in ay xabsiga dhigaan dhamaan shaqaalihii Wasaaradda oo midkamid ah ay haween tahay.

