Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn xalay ka dhacday deegaan ku dhaw deegaanka Basra ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka dhawaqa Duqeynta ayaa si weyn loogu maqlay Xaafadaha Basra,wuxuuna bartilmaameedka uu ahaa saldhig ay ku sugnaayeen Al-shabaab.
Dhanka kale Saraakiil ka Tirsan Ciidmadda Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in duqeyntaan loo adeegsaday hoobiyeyaal iyo qoriga BM-ka loo yaqaan.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay duqeynta xalay ka dhacday deegaanka Basra ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
.

