Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray Qarax Gaari loo adeegsaday oo shalay lala beegsaday Ciidamo Talyaani ah oo marayay agagaarka xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Degmadda Deyniile ee magaaladda Muqdisho.
War kasoo baxay howlgalka tababarka Midowga Yurub ayaa lagu beeniyay in Ciidaamo Talyaani ahaa oo lagu dilay qaraxii shalay ka dhacay Degmadda Deyniile.
Sidoo kale warka ayaa lagu sheegay in waxba kama jiraan ay tahay in la rasaaseeyay Gawaaridooda inta aan qaraxa lala eeganin.
Ugu dambeyntii Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxii shalay ay ku dhinteen dad shacab ahaa oo wadada marayay.
Al-shabaab oo sheegtay Mas’uuliyadda qaraxa ayaa warbaahintooda ka baahiyay in qaraxii shalay ay ku dileen 4-askari oo talyaani ahaa.

