Jubba-land iyo AMISOM oo Kawada Hadlay Dagaalka Al-shabaab+Sawirro

0

Shirka billaha ee amniga Maamulka Jubba-land oo ka dhacay Magaladda Kismaayo  ayaa waxaa looga hadlay xaaladda amniga Jubbalnad iyo dalka.

Shirkaan waxaa shir Gudoominayay  Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan, waxaana ka qayb wasaaradaha amniga, arrimaha gudaha, caddaalada, maaliyada iyo saraakiil ciidan oo ka socday Xoogga dalka, darawiishta, Booliska iyo Nabad sugidda Jubbaland, sidoo kale shirka waxaa ka qayb galay saraakiil katirsan ciidanka AMISOM.

Inta uu socday ayaa looga hadlay xoreynta deegaanada ay ku sugan yihiin Xarakada Al Shaabab iyo dardar galinta howlgalada ka dhanka Al Shabaab.

Jubb-land ayaa la daala dhacaysa dagaalka Al-shabaab,waxaana Magaaladda Kismaayo ka dhacay dhowr shir oo loogu hadlaayo arrimaha Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here