Ayuub Axmed Daahir oo Xalay Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho!

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Koox hubeysnaa oo xalay Wiil dhalinyaro ahaa ku dilay Degmada Xamar Weyne ee Gobolka banaadir.

Wiilka la dilay  oo kamid ahaa Ganacsatada Suuqa degmada Xamar weyne ayaa lagu magacaabi jiray Ayuub Axmed Daahir.

Dilka Ayuub ayaa yimid kadib markii ay qeylisay gabar Koox hubeysan ay ka dhacayeen telefoon,waxaana arinta kusoo baxay Wiilka la dilay oo goob ganacsi ku lahaa halka ay tuugada wax ku dhacayeen.

Ala h u naxariistee wiilka la dilay ayaa la sheegay in uu is hor istaagay kooxihii hubeysnaa ee dhaca geysanayay, waxayna taasi keentay in rasaas ay furaan ragii hubeysnaa oo uu ku dhintay Ayuub.

Dhanka kale Mas’uuliyiinta degmada Xamar Weyne ayaa waxa ay sheegeen inay ku raa-joogaan dableyda dilka geysatay, islamarkaana ay gacanta kusoo dhigayaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here