Dowladda Uganda oo QM Ugu Baaqday in ay Joojiso Ciidamadda Lageeyo Soomaaliya

0

Raisulwasaaraha dalka Uganda Ruhakana Rugunda ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay in ay joojiso ciidamada lageeyo soomaaliya ee qeybta ka noqonaya howlgalka midowga Africa amisom ee nabad ilaalinta kusoo dabaalaya dalka.

Hadalkan ayuu ka jeediyay Raisulwasaaraha shirka 73aad ee qaramada midoobay kaa oo ka dhacaya magaalada New York ee dalka marekanka isagoona sheegay in haatan xaalada amni ee dalka ay tahay mid soo hagaageysa loona baahan yahay inla dhimo ciidamada Amisom ee kusugan soomaaliya.

Ruhakana Rugunda ayaa sidoo kale sheegay in 11 kii sano ee lasoo dhaafay ciidamada amisom iyo kuwa dowlada ay hormaro kasameeyeen amniga guud ee soomaaliya loona baahan yahay in sanadaha soo aadan la doonayo in dowladda Soomaaliya la wareegto mas’uuliyada amniga guud ee dalka.

Arintan ayaa kusoo aadeysa kadib markii  maalin kahor dowlada uganda ay sheegtay in ciidamadooda kusugan soomaaliya gaar ahaan kuwa 14aad aysan helin waxmushaar ah.

Inka badan 20,000 oo ciidamo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Amisom ayaa kusugan guud ahaan soomaaliya kuwaa oo ka kala socda dalalka Ethiopia,Kenya,Burundi,Iyo Djibouti, iyadoona dalka Uganda uu yahay kan ugu badan ay ciidamada kajoogaan dalka.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here