Maamulka Koonfur Galbeed oo Ka Hadlay Hadal Kasoo Yeeray Yariisow+Dhageyso

0

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Jawaab culus ka bixiyay hadal kasoo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaaladda Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan(Yariisow).

Yariisow ayaa soo jeediyay in Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose lagu soo daro Gobolka Banaadir oo isaga uu maamulo.

Afhayeenka Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya Nuurdiin Abuukar Gacma oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa hadalka Yariisow ku tilmaamay mid lab lakac ah.

“Hadalka kasoo yeeray Eng. Yariisow ee ahaa Degmada Afgooye halagu daro Gobolka Banaadir, waa hadal laab lakac ah oo aanan habooneyn inuu Nin mas’uul ah meel la soo istaago, wax aanan jirin in Dadka loo sheego ma ahan, Afgooye waa Degmo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, wayna ka tirsanaan doontaa in’sha Allah”, ayuu yiri Nuurdiin Gacma.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here