Maxkamadd Ku taala Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa maanta Xukun 6-bilood oo xabsi ah ku riday Wariye Maxamed Cabdi Wali Tooxow, oo ka howlgalo dhowr Xarumo Warbaahineed.
Wariyaha oo mudooyinkii dambe ku xirnaa Saldhiga Dhuuusa-mareeb ayaa lagu eedeeyay inuu baahiyay warar qalqal gelinaya amniga, sida in Al Shabaab ay yimaadeen degaanka Bulacle oo 30-KM u jira magaalada Dhuusamareeb iyo inuu baahiyay in ciidanka Galmudug ay qabteen askar ka tirsan ONLF oo uu sheegay in maamulka uu ku wareejiyay Itoobiya.
Maxkamadda ayaa sheegtay in cadeymo la helay kadib wariyaha lagu Xukumay 6-bilood oo xabsi ah, islamarkaana uu haysto racfaan inuu qaato 24-saac gudahood.
Dhanka kale ururadda Warbaahineed ayaa Cambaareeyay Xukunka Lagu Riday Wariye Maxamed Cabdi Wali Tooxow.

