Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbatay Qaramadda Midoobay in laga qaado Cunaqabateynta Hubka Saaran Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Khudbad ka jeediyay Shirkadda Golaha guud ee Qaramadda Midoobay ayaa sheegay In xayiraadda hubka Soomaaliya oo laga qaado ay sahleyso in Soomaaliya hesho awood ciidan iyo in laga adkaado waxa loogu yeero argagaxisada.
Dhanka kale Wasiir Cawad ayaa khudbadiisa kusoo hadal qaaday howlgalka AMISOM ee Soomaaliya,wuxuuna sheeegay in Ciidamadda AMISOM oo ka socda dhowr dal ay yihiin geesiyaal naftooda u huray badbaadada Soomaaliya,islamarkaana laga shaqeeyo sidii ay dalka usoo joogi lahaayeen.

