72 saac oo lagu Amray Diblomaasiyiinta Iran in ay soomaliya kaga baxaan

0

Diblomaasiyiinta Iran ee ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa  lagu wargeliyay in muddo 72 saac gudahood kaga baxaan dalka Somaliya. Kadib markii uu xumaaday xiriirka u dhaxeeya soomaliya iyo wadanka Iiraan.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda Ferdaalka  Somaliya, ayaa waxaa lagu sheegay in Sii Haayaha Safaaradda Iran ee Magaalada Muqdisho iyo diblomaasiyiinta kalaba lagu amray  in dalka isaga baxaan. Sida ugu dhaqsiyaha badan,

Warka kasoo baxay wasarada arimaha dibadda ayaa sidaan u qornaa “iyadoo la fulinayo go’aanka ka soo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ,January 07,2016 , Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay u yeertay Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga Iran ee Muqdisho, waxa ayna guddoonsiisay go’aanka , waxaana laga codsaday in isaga iyo diblomaasiyiinta kale ee Iran ay dalka uga baxaan muddo 72 saacadood gudahooda.”

Hadalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda Ferdaalka  Somaliya ayaa imaanaya xili maanta dowlada soomaliya ay ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay dowlada wadanka iiraan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here