Laacibka qadka dhexe ee kooxda arsenal Mesut Ozil ayaa loo magacaabay xidiga ugu wanaagsan ciyaartooda u dhalatay dalka Germany ee ka ciyaarta meel ka baxsan dalka Germany iyadoona inta kale loo magacaabay ciyaartooda kooxda Beyer Munich,
Majalada Kicker oo dalka Germany kasoo baxda oo lagu daabacay warkaan ayaa lagu sheegay in Ozil loogu dooqday abaalmarinta kadib markii uu 16-goal caawiyay xili ciyaaredkaan haatan socda.
Sidoo kale ciyaartooda abaalmarinta kasoo muuqday waxaa kamid ah xidigaha kooxda Beyer Munich sida Manuel Neuer, Phillip Lahm, Jerome Boateng, Xabi Alonso, Douglas Costa, Thomas Muller iyo Robert Lewandowski.

