Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa martiqaad u fidisay Madaxda Jamhadda ONLF,kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo uu shalay la kulmay Guddoomiyaha Jamhadda Xoreynta ONLF Maxamed Cumar Cusmaan iyo Xoghayaha Guud C/raxmaan Mahdi.
Afhayeenka Jamhadda ONLF C/qaadir Hirmooge Cadaani oo la hadlay idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in martiqaad ay ka haleyn Dowladda Federaalka Soomaaliya,islamarkaana maalmaha soo socda ay imaan doonaan Magaaladda Caasimadda.
Waxa uu sheegay in booqashadaan ay timid kadib markii ay kulmeen Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Jamhadda ONLF,islamarkaana laga wada hadlay sidii loogu qeyb qaadan lahaa dadaalada loogu jiro nabadda iyo Horumarka Gobolka, isla markaana la joogo waqtigii nabadda la dhiirigalin lahaa lagana gudbi lahaa colaadda iyo khilaafka muddada ka jiray gobolka.
Dhanka kale Afheeynka ayaa sheegay in ONLF, Dowladda Soomaliya iyo Ethopia ay iska shaandoonaan arimaha nabadeynta Gobolka,islamarkaana qof walba oo Jamhadda ka Tirsan uu tagi karo Magaalooyinka SOomaalida.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli cudur daar rasmi ah ka bixin tallaabadii ay Itoobiya ugu gacan gelisay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka tirsan Jamhadda ONLF,oo Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay in uu ka Tirsan Yahay Kooxaha Aragagixisadda iyo Xarkadda Al-shabaab.

