Sida uu daabacay Wargeyska the star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in dagaal yahanada ka barbar dagaalama Al-shabaab ee kasoo jeeda dalka Kenya ay haatan la kulmayaan cadaadisyo xoogan kuwaa oo qaarkood lagu eedeeyay in ay basaasiin u yihiin dowlada Somaliya iyo ciidamada Amisom ee dagaalka kala soo horjeeda Alshabaab.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in dagaalyahanada Kenyaanka ah ay Alshabaab ku eedeenayaan kala qeybinta dagaalhayanadooda reer galbeedka ah ee kuwa Soomaalida ee daacada u ah Xarakadda Al-shabaab.
Bishii April aynu kasoo gudubnay Ahmed Yusuf Hassan Iyo Ahmed Nur Osoble oo labadooduba dhalasha ahaan kasoo jeeday Kenya kana tirsanaa Alshabaab ayaa xukun dil ah lagu kala xukumay deegaanka Buqaqable oo katirsan gobolka Hiiraan kadib marki lagu eedeeyay in ay jaajuus u ahaayeen Dowlada Somaliya iyo Ciidamada Amisom ee dowladda ka taageeraya dagaalka ka dhan ka ah Alshabaab.
Moulid Mohamed Bilal oo dhashay bishii December ee sanadii 1972dii kaa oo heysta dhalashada Dalka Kenya islamarkaana kasoo jeeda beesha ogaadeen ayaa lasheegay in uu ahaa macalin dugsi deegaanka Hulugho oo katirsan magaalada Garissa isagoona la shaegay in markii ay heleen xog kusaabsan sirdoonka Kenya in ardayda dhigata dugsigiisa uu u qorayo Alshabaab uu usoo talaabay xuduuda ay wadaagan dalalka Kenya iyo Somaliya.
Dhinaca kale wargeyska ayaa sheegay in haatan dagaalyahanada kenyanka ah ee ka barbar dagaalama Alshabaab ay haatan bilaabeen in ay ku biiraan kooxda daacish kadib markii sida uu sheegay wargeyska in caadisyo xoogan ay kala kulmayaan xubnaha ugu sar sareeya Alshabaab.

