Ciidamo Gudaha U Galay Degmada Jalalaqsi Iyo Maamulka Magaalada oo War Deg Deg ka Soo Saaray + Dhageyso

0

Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi ayaa sheegaya in xalay degmada Jalalaqsi ay gareen maamulka cusub degmada,iyadoon aysan ka warqabin maamulkii horey ee diidana inuu xilka wareejiyo.

Gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada degmada Jalalaqsi Xuseen Sheikh Aadan Qaasim oo la hadlay Idaacada Simba ayaa waxa u sheegay in aysan ka war qabin maamulka mesha yimid aysan taasi xalku ku jirin, maadaama aan lagala tashan imaatinka Magaalada maamulkaasi dhawaan la magacaabay.

Maamulka Magaalada Jalalaqsi ayaa diidanaa mudooyinkii danbe inuu xilka ku wareejiyo maamul cusub oo Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle u magacaabay magaalada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan.

Saakay jawiga magaalada ayaa ah mid kacsan, maadaama gudaha magaalada ay ku wada sugan yihiin labada maamul, kii hore u joogay magaalada iyo kan cusub, ee xalay sida dhuumaaleysiga kusoo galay gudaha degmada oo laga cabsi qabo iney isku dhacaan ciidamo kala taabacsan labada Maamul.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here