Shir sedex geesood ah oo u dhexeeya Soomaaliya,Eritrea iyo Itoobiya,ayaa ka dhacay Magaalada Asmara ee caasimadda Dalka Eritrea, iyadoo madaxda dalalkani ay ka wada hadleen arimo badan.
Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay ka wada hadleen arrimaha ka dhex taagan Jabuuti, Eritrea.
Wasiir cawad ayaa sheegay in madaxda ay go’aamiyeen in wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkan ay si degdeg ah u bilaabayaan wadaa xaajoodyada labada dhinac,si loo soo afjaro xisadaha labada wadan.
Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa heshiis saddex geesood ah ku kala saxiixday magaalada Asmara.
Kulanka saddexda hogaamiye ayaa waxaa uu dhigayaa in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, iyo la dagaalanka Islaamiyiinta Soomaaliya.
Siyaasiyiinta ka faalooda arimaha Soomaaliya ayaa u arka Shirkan u dhaxeeyay 3 madaxweyne in wax faaido oo la taaban karo uusan u laheen Soomaaliya maadaama marka loo eego Heshiiskan sidiisaba uu ahaa mid madaxda dowladda gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo uu ku saxiixay si dhib oo wada tashi buuxa aan lagala sameynin, siyaasiyiinta idheer garadka ee waaaya jooga mudo usoo ahaa Soomaaliya.

