QM oo Sheegtay in Daacish Laga Cabsi Qabo Inay Ku Xoogeysato Soomaaliya

0

Hay’adda qaramada midoobay ayaa waxaa ay sheegtay in Kooxda daacish ee ku sugan qeybo kamid ah soomaaliya laga cabsi qabo in ay ku xoogeystaan guud ahaan soomaaliya.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in maal galin xoogan ay ka helaan kooxda daacish gaar ahan kuwa kadagaalama dalalka Suuriya, Iraq iyadoona lasheegay in haatan tiro ahaan marka la’eego ay aad uyar yihiin kooxda.

Sheikh Abdulqader Mumin oo ahaa xubnaha ugu sareeya kooxda ayaa la sheegay in duqeyn dhanka cirka ah lagu dilay todobaadkii hore kadib markii diyaarado nuuuca aan duuliyaha laheyn ee taliska marekanka uqaabilsan geeska Africa ee marka magacooda lasoo gaabiyo looyaqaan AFRICOM ay ka geysteen qeybo kamid ah Puntland sidaasi waxaa lagu sheegay hadalkan kasoo baxay qaramada midoobay.

Abdulqader Mumin ayaa sidoo kale la sheegay in dhowr jeer uu xariiro kala duwan lasameeyay xubnaha ugu sar sareeyo Kooxda daacish gaar ahaan kuwa kusugan dalalka Yemen Suuriya,iyo Ciraq.

Dhinaca kale hay’adu waxay ku nuux nuuxsatay in qiyaas ahaan marka la’eego dagaal yahanada katirsan kooxda daacish ee kusugan soomaaliya ay haatan gaarayaan illaa 200 oo dagaalyahano.

Bishii October ee sanadii 2016kii ayay aheyd markii dagaalyahano katirsan Daacish ay weerar ku ekeeyeen magaalada Qandala gobolka Bari ee maamulka Puntland iyadoona labo bil kadib ay dib ula wareegeen magaaladaasi ciidamada amaanka maamulkaasi.

Ugu dambeyntii bishii February ayay ahayd markii xubno katirsan kooxdaasi ay weerar kusoo qaadeen Huteel kuyaala magaalada Boosaso ee Puntland iyadoona bishii May weerar qarax loo adeegsaday oo lagu qaaday Goob CheckPoint aheyd oo ay kusugnaayeen ciidamada amaanka kaa oo sababay dhimashada inka badan 5 ruux.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here