Qaar Kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyadda oo Gaaray Kismaayo+Sawirro

0

Qaar kamid ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda ayaa maanta gaaray Magaaladda Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land.

Madaxweynayaasha Puntland, Hir-shabeelle, iyo Galmudug ayaa siyaabo kala duwan u gaaray kismaayo,waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Madaxweynaha jubba-land.

Wasiirka Warfaafinta Jubaland C/nuur Cali Aadan oo qeyb ka ahaa soo dhaweynta wafdiga Madaxweynayaasha Maamul Gobledyadda ayaa idaacadda Simba u sheegay goorta uu shirka furmayo.

Dhanka kale wararkii ugu dambeeyay oo aynu kismaayo ka heleyno ayaa ku waramaya in ammaanka magaalada aad loo adkeeyay iyadoo la filayo inuu si rasmi ah shirka u furmo markii ay madaxda la sugayo dhameystirmaan.

Shirka Golaha Iskaashiga Dowladd Goboleedyada ayaa noqonaya kii Saddexaad oo ay yeeshaan,waxaana kii ugu dambeeyey ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Madaxweynaha puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ah gudoomiyaha golaha iskaashiga dowladgoboleedyada ayaa shirkan iclaamiyay dhamaadka bishii tagtay.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here