Generaal Cabdalla Cabdalla oo Laga Saaray Xubinimadii Hay’adda NISA!!!

0

Generaal,Cabdalla Cabdalla oo mar soo noqday Taliye ku-xigeenka Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdonka qaranka Soomaaliyeed ee (NISA) ayaa laga saaray xubinimadii Hay’adda.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Nabadd Sugidda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Cabdala Cabdala uu bixiyay wareysi ka hor imaanaya hanaanka shaqo iyo Danaha Qaranka Soomaaliyeed.

“Kadib waraysi uu bixiyay Gen. Abdalla Abdalla kuna sheegay eedeymo, waxaa loo saaray guddi baara qaladaadka xasaasiga ah ee ka horimaanaya hanaanka shaqo & danaha qaran, wuxuu gudigu gartay, inuusan u qalmin kasii mid ahaanshaha NISA laguna aamini karin shaqo qaran oo xasaasi ah”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda NISA.

Generaal,Cabdalla Cabdalla oo todobaadkaan wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay  in Hay’adda NISA laga leexiyay hadafkii laga lahaa ee ahaa la dagaalanka Al-shabaab iyo kooxaha kale,islamarkaana loo adeegsado in lagu dhibateeyo xubnaha ka tirsan dowladda ee mucaaradka ah.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here