Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax duhurnimadii maanta ka dhacay Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.
Qaraxaan oo ku xirnaa gaari kaarib ah ayaa ka dhacay Ex Warshadii Hore ee Caanaha,waxaana la xaqiijiyay in uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ahaa gaariga qarxay ayaa waxaa saarnaa labo askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana la xaqiijiyay in labadda askari ay isla goobta ay ku geeriyoodeen, kadib markii uu soo gaaray dhaawac culus.
Dhanka kale waxaa la xaqiijiyay in khasaare uu soo gaaray dadkii ku sugnaa hareeraha halka uu qaraxa ka dhacay.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo qaraxa maanta Magaalada Muqdisho ka dhacay, iyo cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa.

