Wararka ka imaanaya Degmadda Af-madow ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa ku waramaya in maanta uu Magaaladaas ka dhacay banaan-bax loogu soo horjeeday faragalinta Dowladda dhexe ay ku hayso Maamulkaas.
Banaan-baxaan ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshadda Af-madow,waxayna ku dhawaaqayeen ereyo ay ugu soo horjeedaan Dowladda Soomaaliya, oo ay sheegeen in ay faragalin ku hayso Jubba-land.
Qaar kamid ah Banaan-baxyaaasha oo la hadlay idaacaddda Simba ayaa sheegay in Dowladda dhexe oo loogu baahnaa in ay ka shaqeyso Nabadda ay haatan waqti ku bixinayso sidii loo burburin lahaa Dowladd Goboleedka Jubba-land.
Gudoomiyaha Degmadda Af-madow ee Gobolka Jubadda Hoose Maxamed Dhaqane Cabdi oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in banaan-bayaasha ay si Nabadd ah dareenkooda u muujiyeen, islamarkaana ay ciidamadda sugayeen amniga.
Dhanka kale Magaalooyinka Baardheere iyo Gar-bahaarey ee Gobolka gedo ee Maamulka Jubba-land ayaa waxaa ka dhacay maalmihii dambe banaanbaxyo loogu soo horjeeday maamulka Axmed maxamed Islaam(Axmed madoobe).






