Faah-faahin:-Dagaalyahano Ka Tirsan Al-shabaab oo Lagu Dilay Gobolka Baay

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay  ayaa ku waramaya in dagaalyahano ka Tirsanaa Xarakadda Al-shabaab in lagu dilay deegaanka Daynuunay.

Saraakiil ka Tirsan Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalyahanadda la dilay ay weerar kusoo qaadeen fariisimo ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaanka Daynuunay.

Waxa ay sheegeen in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku guuleysteen In ay iska caabiyaan ragii ka Tirsanaa Al-shabaab,islamarkaana ay wali ku sugan yihiin saldhigyadda Ciidamadda ee deegaanka Daynuunaay.

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda  dowladdda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa todobaadkaan ka dhacay deegaanka Daynuunay ee bariga Gobolka Baay,wuxuuna dagaalkaas  dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here