Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa ku waramaya in dagaalyahano ka Tirsanaa Xarakadda Al-shabaab in lagu dilay deegaanka Daynuunay.
Saraakiil ka Tirsan Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalyahanadda la dilay ay weerar kusoo qaadeen fariisimo ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaanka Daynuunay.
Waxa ay sheegeen in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku guuleysteen In ay iska caabiyaan ragii ka Tirsanaa Al-shabaab,islamarkaana ay wali ku sugan yihiin saldhigyadda Ciidamadda ee deegaanka Daynuunaay.
Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda dowladdda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa todobaadkaan ka dhacay deegaanka Daynuunay ee bariga Gobolka Baay,wuxuuna dagaalkaas dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

