Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah wadooyinka Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Isgoyska Jubba, daljirka, wadadda 21-ka October, isgoyska Ceelgaabta, iyo kuwa kale, ayaa saakay lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Xasilinta Caasimadda oo bilooyin ka hor la xareeyay.
Qaar kamid ah shacabkii kusoo lugeeyay wadooyinka la xiray ayaa sheegay in Ciidamadda ay halkaas ka celinayaan gaadiidka dadweynaha,iyo kuwa gaarka loo leeyaya islamarkaana baaritaano ku hayaan xaafadaha ku yaala halkaas.
Ilaa haatan lama oga sababta loo xiray wadooyinka qaar ee magaaladda Muqdisho, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in cabsi laga qabo weeraro Xarakadda Al-shabaab ay ka geystaan Magaaladda oo mudooyinkii dambe amni aheyd.

