Madaxweyne ku xigeenka kooxda AC Milan Adriano Galliani ayaa beeniyay wararka ku aadan in kooxda ac Milan ay lasoo wareegayso xidiga qadka dhexe ee kooxda Manchester United Marouane Fellaini,
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Belgium-ka ayaa lala xiriirinaayaa in uu u dhaqaaqayo Horyaalka dalka Talyaaniga kadib markii booskiisa joogtada ah uu ka waayay kooxda Manchester United.
Isagoo saxaafada la hadlaayay ayuu sheegay Adriano Galliani in uu aad u jecel yahay Marouane Fellaini, laakin aysan jirin wararka ku aadna in uu lasoo wareegay bishaan,

