Afhayeenka Maamulka Juba-land C/naasir seeraar Maax oo Maanta warbaahinta kula Hadlay magaalada kismaayo ee Gobolka Jubada-Hoose ayaa beeniyay wararka ku aadan in ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah Howlgalka midowga africa amisom ay la wareegeen gacanta ku heynta amaanka magaalada kismaayo.
Mudane C/naasir seeraar maax waxa uu sku Tilmaamay wararka ku aadan in amaanka Magaalada Kismaayo gacanta loo galiyay kuwa ay qoreen dad kasoo horjeeda hormarka maamulka juba-land wuxuuna tilmaamay in ciidamada Ethopia loogu talagalay in maamulka juba-land ay ka gacan siiyaan dagaalka dhawaan lagu qaadi doono goobaha ay ku sugan yihiin al-shabaab,
Wali waxaa gaaraya magaalada kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ciidamada ka socda dowlada Ethopia oo la sheegay in ay qeyb ka Noqon doonaan dagaalka dhawaan loogu saari doono gobolada jubooyinka iyo gedo xarakada al-shaabab,

