Dowladda Sacuudiga ayaa Shaacisay in sanadkaan 2018-ka xajka ay ku dhinteen 2-ruux oo Soomaali ahaa, kuwaasi oo ka qeyb galayay xajka.
Agaasimaha Waaxda u adeegidda Xujeyda Fahad Abuu Daalib oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dhimashadda Soomaalida ay timid kadib markii shalay ay isbuurasho ka dhacday mina oo 5-KM u jirta Magaalada Barakeysan ee Maka.
Ala Ha u Naxariistee magacyada labada Xujey ee Soomaalida ah ee geeriyootay ayaa lagu kala sheegay Xaaji Axmed Saalax iyo Xaaji Xasan Maxamed jimcaale.
Sanad walba ayaa waxaa laga soo wariyaa xajka dhimasho iyo dhaawac,balse sanadkii aynu soo dhaafnay ayaan laga soo warinay wax dhimasho ah sida dowladda Sacuudiga ay shaaciysay.

