Ciidamo uu Hogaaminayo Jeneraal Caanood oo La Wareegay Magaaladda Marka.

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Kuwa AMISOM ay saakay gudaha u galeen magaaladaas.

Ciidamaddaan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa dhowr jiho ka galay Magaaladda,waxaana u suurta gashay la wareegista Magaaladda.

Meelaha ay ciidamadda la wareegeen waxaa kamid ah Xaafadaha ayuub,Beytu-raas, Owbaale iyo Xarunta Maamulka degmada Marka oo bilihii u dambeysay aheyd mid aan shaqeyn.

Jeneraal C/laahi Cai Caanood Abaanduulihii Hore ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in ciidamadda ay si nabadd galyo ah magaaladda ula wareegeen oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in Shacabka ay guryahooda ku jiraan,islamarkaana Magaaladda kaliyah ay ka dhaqdhaqaayaan Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

Dhanka kale Abaanduulihii Hore ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka feejjigan yihiin weeraro ay kala kulmaan Ciidamdda Al-shaabab oo uu sheegay in ay damacsan yihiin.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaaladda Marka ayaa ku waramaya in rasaas goos-goos ah laga maqlayo gudaha magaaladda,waxaana saacadaha soo socda ka bilaabanaya Magaaladda howlgalo ay fulin doonaan Ciidamadda huwanta ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here